Madaxweynaha JF Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxayna labada masuul ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa  Shalay gaaray Dalka Sacuudiga  waxaana  halkaasi wafdiga Madaxweynaha uu horkacayo uga bilaabatay Booqasho rasmi  oo Labo maalin ah.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxaana booqashadan ay tahay middii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Dalka Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo Muqdisho ka daah furtay Mashruuca udxiyada ee Ciidul Adxaa

Mu’asasada Al-Mahasin foundation ee Horumarinta iyo Waxbarashada oo kaashanaysa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo boqolaal Shacab ah salaadda Ciidda kula tukaday Masjidka Isbahaysig Islaamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Ciidan Xoogga oo howlgal sifeyn ah kawda gudaha iyo daafaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shacabka Caasimadda salaadda Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda...