Haweenka Sacuudiga oo loo ogolaaday Gaari wadidda

Date:

Muqdisho (SONNA) War ka soo baxay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan bin C/casiis ayaa loogu fasaxay haweenka in ay laysanka gaariga dalban karaan,wuxuuna Boqorku sheegay in ayan jirin diin u diideysa haweenka in ay gawaadhida kaxaystaan.

Sacuudiga ayaa ahaa dalka kaliya ee adduunka haweenku mamnuuc ka yihiin in ay wadan karaan gawaarida, waana dhaqan muddo dheer ka soo jiray Sacuudiga, iyadoo la faray wasaarado badan sidii go’aankan loo dhaqagelin lahaa.

Go’aanka ay soo saartay Sacuudiga oo haweenka dalkaasi loogu fasaxay baabuur wadida  ayaa waxa uu dhaqangeli doona sanadka dambe bisha June.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...