Amiirka Qadar oo Talaadada la kulmaya Donald Trump

Date:

Muqdisho(SONNA)-Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donal Trump uu la kulmayo maalinta Talaadada Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, xilli magaalada New york uu ka furmayo Shirka Golaha loo dhan yahay ee QM.

La taliyaha dhinaca ammaanka ee aqalka Cad Herbert McMaster ayaa u sheegay Saxafiyiinta in sidoo kale uu Trump la kulmi doono dhowr Hogaamiye maalmaha soo socda.

.Amiirka Qadar ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ee dibadda ku tagay Dalka Turkiga, Jarmalka iyo Faransiiska ka hor inta uusan tagin Mareykanka tan iyo markii uu khilaafka ka dhex qarxay Dowladaha Khaliifka muddo ka badan 3 Bil.

Labada Hogaamiye ee Qadar iyo mareykanka ayaa la filayaa in inta uu socdo kulankooda in ay isla soo hadal qaadaan doorka uu Mareykanka ka qaadan karo xalinta arrimaha Khaliijka

Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu Mareykanku sheegay in uu dhexdhexaadin ka dhex bilaayo Qadar iyo Dowladaha Masar, Baxreyn iyo Sacuudiga oo isku dhinac ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...