Dowladaa Federaalka oo diyaarineysa Siyaasadda iyo Sharciga Tahriibka “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho, 16/9/2017 – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasadda Tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Dastuurka, Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Qorsheynta, Warfaafinta, Shaqaalaha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir ku xigeenada Maaliyada iyo Dhallinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka iyo Xaquuqda Caruurta, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxa ACU iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay muhiimada ka hor-taga tahriibka oo dhib weyn ku haya dhalinyarada dalka, oo in badan ay khasaaro ka soo gaartay iyagoo badaha dunida ku tahriibaya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Xukuumada ay ahmiyad gaar ah siineyso tahriibka, kuna baaqay in siyaasad iyo sharciyadba laga soo diyaariyo si kulanka danbe looga wadatashto.

Maryam Yaasin oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka & Xaquuqda Carruurta ayaa ka warbixisey horumarka ay Guddiga ka gaareen u ololeynta arrimaha tahriibka iyo xaquuqda carruurta, sheegteyna in kulankan heerka wasiir ah looga baahanyahay dar-dargelinta diyaarinta siyaasada iyo sharciga Tahriibka oo muhiim u ah dalka.

Wasiirada kulanka ka qeybgalay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada isku-xirka iyo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah bacdamaa arrinka Tahriibka uu saameynayo hay’ado badan, loogana baahanyahay in laga wada shaqeeyo si dhalinyarada loogu abuuro shaqo, looga wacyigeliyo khatarta tahriibka, loona dareensiiyo in dalkooda ay horumariyaan ay uga fiicantahay tahriib iyo inay naftooda geliyaan khatar weyn.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...