Kulan looga hadlayey sida loo wajahayo Arrimaha Maamulka G/banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SONNA):-  Shacabka degmadda Yaaqshid ku nool ayaa arragtidooda ka dhiibtay Sida ay tahay in loo wajaho arrimaha Maamulka, ammniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka degmadaasi  iyo maqaamka  Magaaladda Muqdisho

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah ololaha aragti wadaagga ee hiigsiga Caasimadd oo uu ka qeybgalay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ,ayaa waxa ay soo jeediyeen dhowr arrimood oo ay ka mid tahay.

1- Dhismaha waddooyinka degmada Yaaqshid si la mid ah degmooyinka kale.

22  in laga gudbo nidaamka hadda ay ku yimaadaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobolka loona gudbo in shacabka ay soo doortaan.

3- in Maamulka gobolka uu raadiyo xaqa Muqdisho ay leedahay in ay matalaad ku yeelato Dowladda.

Guddoomiyaha degmadda Yaaqshid   Axmed Xassan Maxamuud Geedoow, ayaa sheegay in ay ku shaqeynayaan rabitaanka Shacabka .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, ayaa faahfaahiyay ujjeedada ololaha arragti wadaaga Hiigsiga Caasimada, isaga oo sheegay in ahmiyad ay siinayaan rabitaanka Dadka si ay ugu shaqeeyaan.

Dhanka kale  Waaxyaha  ay ka kooban tahay degmada Yaaqshid ayaa Xassan Xuseen Maxamed u doortay Gudoomiyaha Sportiga degmada, kaasi oo kusoo baxay doorasho uu goobjoog ka ahaa Maamulka oo ka dhacday Xarunta degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...