Kulan looga hadlayey sida loo wajahayo Arrimaha Maamulka G/banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SONNA):-  Shacabka degmadda Yaaqshid ku nool ayaa arragtidooda ka dhiibtay Sida ay tahay in loo wajaho arrimaha Maamulka, ammniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka degmadaasi  iyo maqaamka  Magaaladda Muqdisho

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah ololaha aragti wadaagga ee hiigsiga Caasimadd oo uu ka qeybgalay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ,ayaa waxa ay soo jeediyeen dhowr arrimood oo ay ka mid tahay.

1- Dhismaha waddooyinka degmada Yaaqshid si la mid ah degmooyinka kale.

22  in laga gudbo nidaamka hadda ay ku yimaadaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobolka loona gudbo in shacabka ay soo doortaan.

3- in Maamulka gobolka uu raadiyo xaqa Muqdisho ay leedahay in ay matalaad ku yeelato Dowladda.

Guddoomiyaha degmadda Yaaqshid   Axmed Xassan Maxamuud Geedoow, ayaa sheegay in ay ku shaqeynayaan rabitaanka Shacabka .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, ayaa faahfaahiyay ujjeedada ololaha arragti wadaaga Hiigsiga Caasimada, isaga oo sheegay in ahmiyad ay siinayaan rabitaanka Dadka si ay ugu shaqeeyaan.

Dhanka kale  Waaxyaha  ay ka kooban tahay degmada Yaaqshid ayaa Xassan Xuseen Maxamed u doortay Gudoomiyaha Sportiga degmada, kaasi oo kusoo baxay doorasho uu goobjoog ka ahaa Maamulka oo ka dhacday Xarunta degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...