Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka oo Muqdisho ka furay tababar aqoon kororsi ah “Sawirro”

Date:

Tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan hababka kala duwan ee doorashooyinka, ayaa loo qabtay xubno ka socday hey’adaha qaabilsan arrimaha doorashooyinka iyo shaqaalaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana Aqoon is waydaarsigan  soo qaban qaabiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Aqoon is waydaarsigaan oo socondoona muddo  Saddex maalmood ah ayaa waxaa furay  gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaacil Ibraahim  (Xaliimo Yareey .)

Qubarro ku xeeldheer  arrimaha doorashooyinka ayaa bixinaya casharro ka tarjumaya hababka kala duwan ee doorashooyinka, iyadoo xubnihii ka qeybgalay aqoon is waydaarsiga ay is dhaafsaden aragtiyo la xiriira mowduuca.

Dr.  Daahir Mirre Jibriil xoghayaha  guud ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aqoon is waydaarsigan uu ahmiyad leeyahay ayna ka soo bixidoonaan qodobbo dhaxalgal ah,  lana wadadagi doonaan hey’adaha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Guddiga madaxa bannaan ee  doorashooyinka Qaranka  ayaa wajibaadkiisu yahay in dalka uu gaarsiyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka waxa ayna wadaan dadaallo arintaas loogu diyaar garoobayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...