Dhageysiga Khudbadihii Musharixiinta Hirshabeelle oo la soo gebagebeyey

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe lagu soo geba gebeeyey dhagaysiga khudbadaha oo ay jeedinayeen musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Hirshabeelle.

Ilaa 5 murashax ayaa maanta jeediyay waxqabadka qofkasta haddii uu ku guuleysto qabashada xilka madaxweynaha.

Xubnaha maanta uu dhageysatay baarlamaanka HirShabeele ayaa waxaa ay kala ahaayeen.

1:Daahir Cabdulle Cawaale

2:C/raxmaan Xuseen Caddow

3:Yuusuf Axmed Hagar (Yuusugdabageed)

4: Maxamed Caruushe Diirow

5:C/naasir Xaaji Shurwac Maxamuud.

Waxyaabaha ugu badan oo ay soo jeediyeen ayaa waxaa kamid ah horumarinta Deegaanada Maamulka ย Hirshabeelle sida,Waxbarashada,Caafimaadka,Shaqo abuurka,Amniga deegaanadaasi,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha guddiga doorashada HirShabeele.

Waxaa lagu wadaa in maalinta sabtida ah ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ,waxaana soconaya qaban qaabo arrintaasi ku aadan,ammaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...