Dhageysiga Khudbadihii Musharixiinta Hirshabeelle oo la soo gebagebeyey

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe lagu soo geba gebeeyey dhagaysiga khudbadaha oo ay jeedinayeen musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Hirshabeelle.

Ilaa 5 murashax ayaa maanta jeediyay waxqabadka qofkasta haddii uu ku guuleysto qabashada xilka madaxweynaha.

Xubnaha maanta uu dhageysatay baarlamaanka HirShabeele ayaa waxaa ay kala ahaayeen.

1:Daahir Cabdulle Cawaale

2:C/raxmaan Xuseen Caddow

3:Yuusuf Axmed Hagar (Yuusugdabageed)

4: Maxamed Caruushe Diirow

5:C/naasir Xaaji Shurwac Maxamuud.

Waxyaabaha ugu badan oo ay soo jeediyeen ayaa waxaa kamid ah horumarinta Deegaanada Maamulka  Hirshabeelle sida,Waxbarashada,Caafimaadka,Shaqo abuurka,Amniga deegaanadaasi,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha guddiga doorashada HirShabeele.

Waxaa lagu wadaa in maalinta sabtida ah ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ,waxaana soconaya qaban qaabo arrintaasi ku aadan,ammaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...