Dowladda Somaaliya iyo Hay’adda ICAO oo kala saxiixday heshiis ku saabsan wareejinta Hawada Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo duulisa hawada ee Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar oo ay kamid yihiin Maareeyaha guud ee hay’ada duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf jaalle) iyo ku xigeenkaiisa Axmed Macalin Xasan ayaa  gaaray magaalada Montreal ee dalka Canada halkaasi oo xarun u ah Ha’yadda duulimaadyada Rayidka Adduunka ee QM oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaaqo ICAO.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ugu horeyn kulan gaar ah la qaateen xoghayaha guud ee hay’adda ICAO haweenayda lagu magacaabo Drs Fang Lie iyo saraakiil  sare oo ka socday hay’ada ICAO,waxaana shirkan oo looga hadlay qorshaha looga soo rarayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya maamulka hawada Soomaaliya iyo sidii loo dadejin lahaa in sanadkan gudihiisa  maamulka hawada si toos ah loogu soo wareejiyo maagaalada Muqdisho.

Xog-hayaha Guud ee Hay’ada ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in Wasiirka iyo wafdigiisa ay yeesheen wadahal miro dhal ah iyo in sida ugu  dhaqsaha badan hay’ada FISS ee hadda gacanta ku haysa adeega duuliymaadyada Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo oo maamulka hawada Soomaaliya xarun u noqoto.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa u waramay Wakaaladda SONNA Waxuuna sharaxaad ka bixiyay kulanka ay la qaateen Hay’adda.

“Kulanka aan la yeelanay madaxda Hay’adda ICAO wuxuu ku saabsanaa sidii maamulka Hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho,in si dhaqsi ah arrintaasi ay u dhacdo, ayaan ka wada hadalnay,waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in Hay’adda FISS oo hadda Nairobi ku maamusho hawada Soomaaliya ay ugu soo wareejin lahayd Muqdisho”, Ayuu yiri Maxamed C/llaaahi Salaad.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad iyo Agaasimaha Xafiiska Farsamada iyo Iskaashiga ee Hay’addaasi  ICAO Ivan Galan ayaa si toos ah u kala saxiixday haeshiiskaasi, iyadoo la filayo in dhawaan magaalada Muqdisho laga maamulo hawadda Soomaaliya Muddo kadib.

Wariyeheena Dalka Canada Muxiddiin Jaamac

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowaladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineyso muwaadiniin laga soo badbaadiyay biyaha Jasiiradda Madagascar

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka...

Xoogga Dalka oo shacabka ku garab siinaya siidii looga hortagi la haa fatahaadaha wabiga Shabeelle

Ururka 294 aad guutada 29 aad daljir qeybta 27...

Wasiir Fiqi oo dib u furay Xarunta Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa shalay...

In kabadan 28 Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Madakaskar

-Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...