Wasiirka caafimaadka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Goor dhoweyd, waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sida wefdi uu hoggaaminayo wasiirka caafimaadka Turkiga oo ay kamid yihiin dhakhaatiir ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaaana xiga oo daqiiqado ka dib la filayaa diyaarad kale kuwaas oo ah gurmadka dowladda Turkiga ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu ka sido salaan iyo tacsi isla markaana guud ahaan dadka Turkiga ah ay la xanuunsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Wariyaha warbaahinta qaranka, Nasra Bashiir oo garoonka Aadan Cadde ku sugan ayaa soo sheegaysa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khaye uu kamid yahay mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wefdiga ka imid dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay oo ahaa in gurmad lala soo gaaro dadka dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii bahalnimo ee ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...