Qeyb qaar kamid ah dhaawacyadii oo loo qaadayo Turkiga

Date:

Qaar kamid ah dhaawacyadii ayaa loo qaadayaa dalka Turkiga ka dib markii saaka ay timid diyaarad ay leeyihiin militiriga dalka Turkiga, ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada gaar ahaan guddigii loo xil saaray isku duba ridka gargaarka loo fidinayo dadkii waxyeelada soo gaartay ayaa garoonka Aadan Cadde ku sugan.

Ambulance-yo ayaa dadka dhaawacyada ah looga soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaadayaa diyaarad ambulance ah oo aad u weyn, wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane C/raxmaan Yariisow oo kamid ah guddiga ra’iisul wasaaraha magacaabay ayaa sheegay in maanta dala Turkiga loo qaadi doono in ka badan 40 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa Facebookiisa ku soo qorey in dowladda Turkiga ay noqotay Dowladdii ugu horreysay ee daawo ugu deeqda Soomaaliya qaraxii Sabtida.

“Waxay keentay oo kale 27 isugu jira Dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo shaqaale kale oo caafimaad. Dayaaradda intaa sidday waxay ahayd dayaarad militeri oo kuwa xamuulka ah. Isla dayaaraddaas ayaa hadda waxaa la saarayaa afartameeyo dhaawac ah oo mid kasta uu la socdo qof ehelkiisa ah,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Turkigu sidoo kale soo dirtay Wasiirka Caafimaadka oo isagu hadda indhihiisa ku soo arkaya dhaawaca yaalla Isbitaallada si uu warbixin ugu celiyo Dowladdiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...