Galmudug”Maxaabiista kujirta Xabsiga Gaalkayo ee dembiyada fudud cafis ayaa loo fidinayaa

Date:

Muqdisho(SONNA) Ku dhawaad  40 maxaabiis oo u xiran faldembiyeedyo kaladuwan ayaa ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalaad Gaalkacyo ee Dowlada Goboleedka Galmudug, kuwaasi oo xaaladooda ay tahay mid laga deyrinayo.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dib loo eegi doono xaaladda Maxaabiistaasi,islamarkaana cafis loo fidin doono dadka dembiyadooda ay fudud yihiin oo ku jira Xabsiga, kadib kormeer ay ugu kuurgalayeen xaaladda Maxaabiista oo ay halkaasi ku tageen Wasiiro iyo mas’uuliuyiin kale oo katirsan Galmudug.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka  Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii daryeel wanaagsan ay u helilahaayeen dadkaasi Xabsiga kujira.

“Waxyaalo badan ayaa soo aragnay,baahiyo badan ayaa jira,wixii aan aragnay waan lalaabanaynaa, go,aan ayaa laga gaarayaa, in maxaabiista dembiyada fudud cafis loogu fidin lahaa maadaama waqti Ciid ah la joogo,sidoo kale daryeel caafimaad ayay baahi u qabaan”, Ayuu yiri Wasiir Colaad.

Maxaabiista kujirta Xabsiga magaalada Gaalkacyo ayaa loo soo qab qabtay faldembiyeedyo kaladuwan,oo ay kujiraan dhac iyo dhibaatooyin kale oo ammaanka laxiriira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...