Wasiirka Garsoorka ee Hirshabeelle oo siminaar u soo xiray aqoonyahanno

Date:

Wasaaradda Garsoorka, Cadaaladda iyo Diinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta siminaar u soo gabo gabeysay qaar ka mid ah Garsooreyaasha, Xeer ilaalinta iyo saraakiil ka tirsan booliska, kuwaasi oo sare loogu qaadayay aqoontooda xirfadeed.

Siminaarka oo socday muddo todobaad ah ayaa inta uu socday la siinayay ka qeyb galayaasha casharo la xiriira dhanka cadaaladda iyo sidii ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda, waxaana gabo gabadii la gudoonsiiyay shahaadooyin ka turjumaya waxyaabaha ay siminaarka ku qaateen.

Wasiirka Garsoorka, Cadaalladda iyo Diinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan “Kheyraat” ayaa sheegay inay joogteyn doonaan siminaarada nuucaani oo kale ah, waxaana uu ka qeyb galayaasha ku booriyay in waxyaabaha ay ka kororsadeen siminaarka ay ugu adeegaan bulshadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan...