Gudoomiyaha golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaalya

Date:

Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin jian, waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan.

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa kulankooda inta uu socday ka wada hadlay isku xirka  baarlamaannada Soomaaliya iyo Shiinaha , mashaariicda lagu horumarinayo golaha shacabka iyo arrimo kale, sida uu geba gebada kulanka kaddib uu warbaahinta Qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka.’

Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan isugu jira iyadoo dowlada Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto waxyaabo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...