Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo kulan la qaadatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Suudaan

Date:

Kulanka ay wada qaateen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim oo uuna goobjoog ka ahaa Uqeybasanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane FiidowMaxamuud Fiidow ayaa waxay ugu wada hadleen sidii la iskiiga kaashan lahaa hormarinta isboortiga ee labada Dowladood iyagoona Wasiiradda sharaxaad kooban ka siisay Wasiirka hormarka isboorti ee ku tilaabsatay Soomaaliya.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim ayaa aad u soo dhaweyay Wasiiradda asigoona sheegay inay diyaar u yahiin wax walba oo ay ku caawin karaan Walaalahood Soomaaliya.

Dhanka kale Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa booqatay garoon kubada cagta ah oo ay Dhisma ku socotay iyadoona ku soo wareegtay dhamaan gudaha garoonka, intaa ka dib Wasiiradda ayaa Saxaafadda kula hadashay gudaha garoonka.Cood

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa inuu heshiis dhex mara labada Wasaaradood Soomaaliya iyo Suudaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...