Ra’iisul wasaare Kheyre oo bogaadiyay Madaxda iyo howl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, waxaana R/wasaaraha Xaruntaasi kusoo dhoweeyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow  iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare Kheyre ayaa ujeedka booqashada uu ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ay ahayd sidii uu ugu kuur geli lahaa shaqada Wasaaradda ka socda iyo Hanaanka Shaqo ee ay Shaqaalaha u shaqeynayaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhiiri geliyey  Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku boggaadiyey Howsha adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, kuna booriyay inay sii labo jibaaraan howsha Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...