Howlgal Hub, Maandooriye iyo dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Muqdisho

Date:

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo xalay ilaa iyo maanta ay ka sameynayeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen Hub, Rasaas, Maandooriyeyaal iyo dad lagu eedeeyey in waxyaabahaasi ay gacanta kula jireen.

Wariyaheena Cali Axmed Sheekh oo goobta jooga ayaa soo sheegaya in dadka la qabtay ay gaarayaan ilaa iyo sadex ruux, islamarkaana hubka lahayo ay kamid yihiin Bastoolado iyo Rasaas.

Howlgalka oo laga sameeyey xaafadaha degmada Dharkeynley ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiinta wasaaradda Amniga oo goobta gaaray ayaa la filayaa in goor dhow ay warbaahinta u faah faahiyaan howlagla iyo dadka la qab qabtay waxa ay yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...