Howlgal Hub, Maandooriye iyo dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Muqdisho

Date:

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo xalay ilaa iyo maanta ay ka sameynayeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen Hub, Rasaas, Maandooriyeyaal iyo dad lagu eedeeyey in waxyaabahaasi ay gacanta kula jireen.

Wariyaheena Cali Axmed Sheekh oo goobta jooga ayaa soo sheegaya in dadka la qabtay ay gaarayaan ilaa iyo sadex ruux, islamarkaana hubka lahayo ay kamid yihiin Bastoolado iyo Rasaas.

Howlgalka oo laga sameeyey xaafadaha degmada Dharkeynley ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiinta wasaaradda Amniga oo goobta gaaray ayaa la filayaa in goor dhow ay warbaahinta u faah faahiyaan howlagla iyo dadka la qab qabtay waxa ay yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...