Kulan su’aalo lagu weydiinayey wasiirka Dhalinyarada K/Galbeed oo Baydhabo lagu qabtay

Date:

Kulanka dood wadaaga ah waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha K/Galbeed Soomaaliya, waxaana su’aalo lagu weydiinayey islamarkaasina talooyin lagu siinayey wasiirka wasaaradd Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed  C/laahi Cumar Fanax.

Kulaka ayaa waxaa ka soo qeybgaley ururada iyo daladaha ay ku mideysanyiin dhalinyarada Koonfur Galbeed, waxaana wasiirka laweydiiyey Su’aalo laxariiray waxayaabihii wasaaradiisa uqabsoomi waayey intii ay jirtay, waxaana sidoo kale lasiinayey talooyin ku aadan shaqada wasaaradda iyo maareynteeda.

Wasiirka ayaa sidookale waxaa dhalinyaradii ka soo qeyb gashey  kulanka ay ku amaaneen howlihii faraha badnaa ee wasaaradiisa ay qabatey tan iyo intii ay jirtay.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed  C/laahi Cumar Fanax ayaa jawaabo ay ku qanceen Dhalinyaradii su’aala weydiiyey siiyey, waxaana uu sheegay in talooyinka faraha badan ee lasiiyey uu tixgalin doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...