Raโ€™iisul Wasaare Khayre โ€œMaanta Wuxuu dalkeenu ku socdaa Jidkii horumarka iyo dhismaha Ciidankaโ€

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khare ayaa xarigga ka jaray Saldhigga Millateri ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu tababari doono Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxana Munaasabadda Furitaanka ka qeyb galay Taliyaha guud ee Ciidanka Turkiga, masuuliyiin ka tirsan dawladda, Safiirada Beesha Caalamka iyo saraakiil sare oo ka socotay labada dal.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, ayaa sheegay ka sakow dhismaha xaruntan casriga in marka la tababaro askarta ay dawladdu Turkigu u raacin doonto qalabeyn, taasoo uu uga mahadceliyey Jamhuuriyadda Turkiga.

Taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa tilmaamay sida ay uga goโ€™an tahay inay garab siiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana saldhigani uu dabooli doono baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo yeelato Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ammaanay taageerada hagar laโ€™aanta ah ee Turkigu ay mar walba la garab-taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasoo uu sheegay inay qiimo weyn ugu fadhido Soomaaliya. Wuxuna u mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Turkiga oo u yimid furitaanka saldhiggan loo dhisay qaabka casriga ah.

โ€œWaxaa jiray waqti uu dalkeenu lahaa Ciidanka ugu fiican Afrika, waxaa jirey xili ciidankeenu ahaayeen libaaxyada Afrika. Markaas iyada ah waxaa gacanta ku hayay saraakiil Soomaaliyeed, maantase waxaan halkan u taagan nahay dib-u-yagleelidda ciidankii ahaa libaaxyada Afrikaโ€ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Khayre.
Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay mareyso meel ay dib uga soo kabanayso collaadii iyo dagaalkii sokeeye. Iyadoo xiligani lagu socdo jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada.

โ€œMaanta wuxuu dalkeenu ku socdaa jidkii horumarka iyo dhismaha ciidanka, si taas loo xaqiijiyana waa in la helaa ciidan Soomaaliyeed oo u taagan difaaca qaranimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, dugsigana wuxuu qeyb ka yahay horumarka aan higsanayno ee lagu dhisayo ciidankeenaโ€ ayuu raaciyey Mudane Khayre.

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu tilmaamay si looga guuleysto faqriga iyo argagixisada in maanka lagu hayo dhismaha ciidanka iyo la dagaalanka Musuqa iyo kamid ah meelaha muhiimka si looga soo kabto dhibaatadii ka dhalatay dagaalka sokeeye.

โ€œDugsigani wuxuu noo leeyahay muhiimad, waayo waa tallaabo muuqata oo loo qaaday dib-u-dhiska ciidanka Xoogga dalka. Halkan waxaa ku diyaarsan qeybtii ugu horeysay ee ciidan Soomaaliyeed oo ka kala yimid guud ahaan qeybaha dalka, Waa inaad ogaataan askari walba oo halkan jooga inuu matalayo Soomaaliya ee uusan qabiil iyo deegaan gaar ah mataleynโ€. Ayuu yiri R.W Khayre oo uga mahadceliyey dawladda Turkiya iney Soomaaliya ka hirgelisay saldhiggii iyo Safaaraddii ugu weynayd ee ku yeelato meel ka baxsan dalkooda.

—DHAMMAAD—-ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...