Seddex qof oo Shabaab kala shaqeyn jirtay warqadaha been abuurka ah oo la soo bandhigay

Date:

Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta si wada jir ah Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya (Generaal Kaahiye) ugu soo bandhigay seddex ruux iyo qalab Wax lagu daabaco oo lagu soo qabtay howlgal ay Ciidamada ka sameeyeen degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Ragga la soo bandhigay ayay Mas’uuliyiintu sheegeen iney qori jireen daabicina jireen waraaqaha digniinta Maleeshiyaadka Al-Shabaab,waxaana ragga la soo qabtay ka dhex muuqday Maxamed Nuur oo shacabka Muqdisho si weyn ugu garanayaan (Idaacada Wareegta),isagoo sidoo kale keena cododka siyaasiyiinta iyo Wariyaasha caanka ah.

Madbacadda ay ka howlgalayeen raggaan la soo qabtay ayaa lagu magacaabaa INNA FATAX,waxayna ku taalay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Warqado La sheegay in ay been abuur yihiin ayaa lala soo bandhigay, waxana ka mid ah warqadahaasi, CID, Gudomiyaha Gobolka banaadir iyo warqadaha digniinta Alshabab ay soo saraan.

Waxaa goobta soo bandhigista ka hadlay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo sheegay iney howl wanaagsan ay qabteen Ciidamada Booliska Soomaaliya mudan yihiina in lagu amaano.

Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada Booliska uga mahadceliyay howlgalka lagu soo qabtay raggaan, maadaama ay qal qal gelinayeen ammaanka Muqidsho.

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xaafadaha magaalada Muqdisho ka sameeya howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...