Madaxweynaha JF Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxayna labada masuul ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa  Shalay gaaray Dalka Sacuudiga  waxaana  halkaasi wafdiga Madaxweynaha uu horkacayo uga bilaabatay Booqasho rasmi  oo Labo maalin ah.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxaana booqashadan ay tahay middii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Dalka Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...