Wafdi Kormeer ku tagay Deegaanka Bariire

Date:

Muqdisho (SONNA) Deegaanka Bariire oo 9km dhanka Galbeed ka jira deegaanka num 50 ee Gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa gaaray Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Masuuliyiinta Gobolka Shabeelaha hoose uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka.

Masuuliyiintan ayaa u kuur galay Xaalada nololeed iyo mida Amni ee deegaanka Bariire, waxayna meel Fagaare ah ay kula hadleen dadka deegaanka.

Bariire waxaa dhawaan laga  saaray Maleeshiyada Argagaxisada Al Shabaab oo hore gacanta ugu hayay degaankan, Dhibaato badana u geysanayay shacabka.

Guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxamed Aweys Abuukar oo ay hoostagto degaanka Bariire ayaa sheegay in isku socodka Gobolka Shabeelaha hoose uu muhiim u yahay deegaankan sidaas awgeed wuxuu ku baaqay in si wadajir looga shaqeeyo Amniga iyo Hormarka Bulshada deegaanka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Cabdiraxiin Nuur iyo Wasiirka Macdanta iyo Badroolka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq ayaa Bulshada ku dhaqan deegaanka ka codsaday in ciidanka xoogga dalka ay la shaqeeyaan, si looga hortago cadowga Soomaaliyeed ee Al shabaab oo umada u diidan inay nabad ku noolaadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Najax ayaa sheegay in  Maamulka gobolka uu degaanka Bariire ka hirgelinayo mashaariic hormarineed ayna furi doonaan Wadooyinka ay go,doomiyeen Argagaxisada Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...