Ra’iisul Wasaaraha JFS Oo Furay Shirweynaha Ansixinta Qaab Dhismeedka Manhajka Waxbarashada Dalka+Sawirro

Date:

Muqdisho,(SONNA):-Ra’iisul wasaaraha Xukuumada mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarha oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga shaqayn lahaa hormarinta waxbarashada dalka, maadaama bulsho kasta ay ku horamrto sida ay dhalaankeeda wax u barto, waxuuna tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhisanyihiin Dhaqanka, Diinta iyo Soomaalinimada, taasina ay fududaynayso sidii loo heli lahaa bulsho isku aragti iyo hadaf ah.

“Waxaan soo jeedinayaa in Manhajkeenu uu noqdo mid mideeya dhamaan waxbarsahada dalka, waana in lagu soo daro maadooyin ka hadlaya Wadaniyada iyo kheyraadka dalkeenu leeyahay si jiilka naga dambeeya ay u jeclaadaan wadanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday wasaarada Gaadiidka Badda iyo wasaarada Duulista iyo Hawada, waxuuna mid mid u galay xafiisyada ay wasaaradahu ku shaqeeyaan isagoona shaqaalaha waydiinayay sida ay u helaan xaquuqdooda iyo qaabka ay shaqadu u socoto.

waxuuna si gaara ula shiray wasiirka wasaarada Dekadaha waxayna isla soo qaadeen sidii loo hormrin laha gaadiidka iyo dekedaha gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan dakeda Muqdisho oo ay shacab badan kala soo baxaan nolol maalmoodkooda.

Ugu dambayn Xasan Cali Khayre ayaa gaaray xarunta gobolka Banaadir waxuuna kula kulmay gudoomiyaha gobolka iyo dhamaan shaqaalaha ka howlagala xarunta,waxuuna indho indheeyay qaabka loo shaqaynayo iyo baahiyaha ka jira xarunta.

__DHAMMAAD_

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...