Doonyo hub saarnaa oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari

Date:

Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ee ayaa Deegaanka Marooro oo 9km magaalada Boosaaso ujitra ka soo qabtay dooni lagu magacaabo Al-furqaan  oo waday hub sharci darro ah oo kala ahaa hubka culus iyo kan fudud, waxaana jirey qoryaha loo yaqaano dhishiikaha, Ake 47, bastoolado iyo Raastooda.

Inkastoo hubkan la qabtay hadana ciidamada Puntland uma suuro gelin iney gacanta ku dhigaan cidii waday kuwii loo waday intuba, waxaana xusid mudan in hubkan oo intan ka badnaa qaybtiisa kale ay qabteen ciidamada booliska Puntland oo howlgallo ka sameeya qeybo ka mid ah deegaannada maamulka.

Gaashle Maxamed Maxamuud Xasan oo ka tirsan ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo qabashada hubkan, ayna ku raadjoogaan raggii soo rarey iyo kuwii loo waday intuba.

Puntland ayaa qabta in Al-Shabaab loo waday hubkan ay ciidamadu gacanta ku dhigeen.

Tallaabadan ayaa noqonaysa mid ciidamada Puntland dhanka ammaanka uqaadeen waxaana ay qayb ka yihiin dedaallo lagu ilaalinayo Nabadda iyo wada noolaanshaha Ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed Muse tarsan Bosaso

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...