Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyey Shir Ku Saabsan Dar-dar Gelinta Hawlaha Dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku guddoomiyey shir ku saabsan dar-dar gelinta hawlaha dib u eegista dastuurka.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay, Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Raiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Labada Guddi ee dib u eegista dastuurka.

Madaxweynaha waxaa loogu soo bandhigay shirka, warbixinno ku saabsan halka ay maraayaan qorshayaasha dib u eegsita dastuurka, heerka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan, iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka.

Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliye Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo qorsheyaasha sal-u-dhigista nidaamka Federaalka.

Madaxweynuhu ayaa kula dar-daarmay dhammaan masuuliyiintii ka qayb galay shirka in ay ka soo baxaan hawsha adag ee loo xil saaray, isaga oo ka codsaday in muddo 10 maalmood ah ay ugu soo gudbiyaan qorshe howleed dhammaystiran.

“Maanta, haddii aan ka faaiidaysano khibraddeena iyo aqoonteenna waxaan aaminsanahay in aynu ku dhamaystiri karno hawlaha dastuurkeenna si wanaagsan oo sharaf leh, umadduna ku qancaan beesha caalamkuna nagu ixtiraamaan.”

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan iyo Guddiga Barlamaanka ee la socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa madaxweynha u muujiyey sida ay uga go’antahay ka shaqaynta iyo dhammaystirka dastuurka.

 DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...