Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo D/Goboleedyada oo kulmay

Date:

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo seddexdii bilba mar la qabto, shirkan oo ay soo qabanqabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee D/Goboleedyada.

Shirkan oo socon doona labo maalin ayaa ujeedadiisu tahay sidii Wasiirada uga arinsan la haayeen Shir-weynaha Qaran ee Arrimaha Dastuurka ee bisha Oktoobar Muqdisho ka furmi doono.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo shirka furay ayaa uga mahadcelyay D/Goboleedyada sida ay uga soo qaybgaleen kulanka.

“Masuuliyad wayn ayaa na saran, waxaan ku faraxsanahay oo aan rajeynayaa in anaga oo aysan dad ajnabi ah nagu dhex jirin sida shirkeenan maanta oo kale aan hawlaheena qabsano oo wadashaqeynteenna xoojinno; waan idinkaga mahacelinayaa ka soo qaybgalkiina waxana kawada hadli doonaa sidii aan isaga kaashan lahayn hawlaha soo socda oo uu ugu horeeyo Shir-weynaha Qaran” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale Wasiirka isaga oo ka hadlayay faa’idada Madashan seddexdii bilba mar la qaban doono ayuu yiri “Waxaad ogtihii in shirkii sedex bil ka hor ee Wasiirada D/Goboleedyada aan la yeelannay qodobadii ka soo baxay ay kamid ahayd in Madashan la aas-aaso oo boqolkii maalinba mar ay qabsoonto, Ujeedada ka dambaysay waa in Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka aan tusno in loo mideysanyahay dib-u-eegista Dastuurka”.

Dhanka kale, Wasiirada D/Goboleedyada oo shirka ka hadlay ayaa warbixin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay boqolkii maalin ee la soo dhaafay, sidoo kale waxa ay Wasaaradda uga mahadceliyeen qaban-qaabada shirka madasha.

Shirkan ayaa berri soo xirmi doono waxaana ka soo bixi doona War-murtiyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...