Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo Booqday Mashruuca waraabka beeraha G/gedo

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqday Mashruuca waraabka Beeraha ee Gobolka Gedo oo heer gabo gabo ah maraya.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qorsheeneysa in la gaarsiiyo mashruucan dhammaan gobolada maamulkaasi, si looga faa’iidaysto biyaha wabiga looguna waraabiyo beeraha ka fog dhinacyada  wabiga.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah waxay lug kusoo mareen dhammaan qaybaha Mashruucan oo biyaha wabiga Jubba lagu gaarsiinayo dhulka fog ee baadiyaha, isagoo  Madaxweynaha ammaanay sida dar darta leh ee hawshu ay usocoto.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii Beeraleeyda looga gacansiin lahaa wax soo saarka, ayna uga faa’iidaysan lahayeen suuqyada gudaha iyo dibada oo waxyabaha ay Beeraan ay u suuq geeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...