Ciidamo loo tababaray habka looga hortago askareenta carruurta xilliyada dagaalka

Date:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tababbar u soo gabo gabeeyay 60 askari oo ka tirsan ciidamada amniga dalka, kuwaasi oo la barayay hanaanka looga hortagayo askaraynta carruurta xiliyada dagaalka.

Tababbarkan oo socday labo isbuuc ayaa waxaa gabo gabadiisa ka soo qayb galay xubno ka socday ciidanka Xoogga, Booliska, ururada aan dowliga ahayn iyo xubno ka socdo maamul goboleedyada ayaa waxaa taageertay dowladda Ingriiska iyo ururka lagu magacaabo Romeo Dallaire ee ka hortagga askareenta carruurta ayagoo usoo marinayo Dalhousie University ee Canada.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISMOM Francisco Madeira ayaa yiri “Waa inaan ka badbaadinaa carruurtaan in loo tababaro fikiradaha guracan ee xagjirnimada leh iyo in ay gaystaan falal dambiyeedyo ay u geysanayaan dadkooda, Dalkooda iyo Dariskooda”.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay askareenta carruurta inay aad ugu badantahay Soomaaliya wuxuuna sheegay baahida loo qabo in  la helo tirada rasmiga ah ee carruuta ka dagaalamayso dalka ee ay sida qaldan uga faa’iideysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Tababarkaan oo xoogga lagu saarayay ogaanshaha ama soo saarita carruurta askarta iyo sidii looga hartagi lahaa ayaa waxay isku raaceen dhamaan madaxdii ka soo qayb gashay in ay muhiim tahay carruurtaas ay hellaan dib u habeeyn iyo u dhisid.

Waxay sidoo kale madaxda sheegeen in ay u diyaarinayaan ciidanka Soomaaliya sidii ay ugu diyaar garoobi lahayeen hanashada dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...