Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya ku Casumay Qorayaal Soomaaliyeed

Date:

Madaxweynha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey qalinlayda Soomaaliyeed ee ka qayb galay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadiyad ahaan loo guddoonsiiyey buugaag iyo farshaxanno lagu soo bandhigay carwada buugaagta muddii sadexda maalmood ah ee ay furnayd.

Qorayaasha ka qayb galay casho sharafta ayaa la wadaagay madaxweynaha caqabadaha ku xeeran wax qorista iyo soo bandhigiddeeda, iyagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha dhiiri galinta uu u sameeyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dar daarmay qoryaasha in ay sii wadaan dadaalkooda maadama wax qoristu ay asaas u tahay nolasha. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa bogaadiyey dadkii soo abaabulay carwadaan iyo dadaalkii dheera ay ku bixiyeen sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...