Guddiga difaaca ee golaha shacabka oo K/Afrika shir kaga qeybgalay

Date:

Wafdi ka socday wasaaradda gaashaandhigga iyo guddiga difaaca ee golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya oo Koofur Afrika howlo shaqo u joogay ayaa la kulmay xubna matala wasaaradaha gaashaandhiga iyo arimaha dibadda  ee dalkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay  waxa Soomaaliya ka faa’idi karto khibradaha Koofur Afrika ka baratay gumeysiga iyo waqtiga xoriyadda.

Wafdigaan oo maalmo ku sugnaa Koofur Afrika ayaa waxay booqdeen Wasaaradda Gaanshaadhiga madxafka midib takoorka, halkaas oo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kalasooca,  iyagoo dhinaca kale booqday xaafadda Soomaalida ay ka degan tahay Johannseburg iyagoo la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida.

Wasiirkii hore wasaaradda gaashaandhiga ahna guddoomiyaha guddiga difaaca, golaha shacabka xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

” Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno isku dhafka Ciidamada madaama ay ka soo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimoqraadiyad iyo wada shaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto hay’adaha aminga iyo dastuurka” ayuu yiri.

Wafdigaan oo ka koobnaa lix xubnood ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya,waxeyna qeyb ka ahaayeen Wafuud ka socday Wasaaradaha Gaashaadhiga iyo Barlamaanka Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray Koofur Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...