(Qormo) Ballanqaadka Ra’iisul-wasaaraha iyo shaqo siinta dhallinyarada?

Date:

Burburkii dowladda dhexe ka dib waxaa dalka gabi ahaan ku baahay shaqo la’aan saamayn ku yeelatay dhamaan bulshada, gaar ahaana dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo qaarkood awoodi waayay maareynta noloshooda iyo bixinta qarashaadka waxbarasho maadaama ay meesha ka baxday waxbarashadii lacag la’aanta aheyd, taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro badan ay noqdaan shaqo la’aan oo ay ka hayaamaan dalka iyagga oo nolol tan ay ku noolaayeen ka sareysa raadinayo.

Waxa ay dhalinyaradu ku hawl meen sidii ay ku tagi lahaayeen wadamada Horumaray ee Yurub iyo Mareykanka, halka qaar ka mid ah dhalinyaradaasna ay waxbarasho ama ganacsi u doonteen dalalka dariska ama Africada kale.

Dowladihii dalka soo maray waxa ay isku dayeen in ay yareeyaan hayaanka baahsan ee dhalinyarada, waxa ayna ballan qaadayeen in shaqo abuur ay u sameeyaan dhalinayarada si ay u yareeyaan baahiyaha ay dhalinyarada ka tabanayeen,haddana ma jirin saamayn balaaran oo ay arintaasi ku yeelatay dhalinyarada tahriibka u xirxiratay oo shantii sanno ee u danbeysay badda liibiya iyo Talyaaniga u dhaxaysa waxaa ku dhintay Kumanaan Soomaaliyeed oo wali usii cararaya walina u sii Hamuun qaba raadinta Nolol dhaanta mida ay dalka uga tagayaan.

Ku dhawaaqista Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali khayre ee ku aadan in Gobolka banaadir laga shaqaaleysiinayo kun qof oo dhalinyaro ah waxa ay Rajo u tahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay iyo kuwa aanan waxbaran, maadaama shaqaalaha la qoranayo ay noqonayaan kuwo ka hawlgala qaybaha kala duwan ee Maamulka gobolka banaadir.
Raiisul Wasaare Khayre oo ka hadlaayay Xaflad lagu maamuusayay maalinka dhalinyarada aduunka ayaa tilmaamay in waxa yar ee ay dowladdu haysto ay u maamuli doonto dawladdu si cadaalad ah, qof kasta oo shaqo soo dalbadana lagu xulandoon kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

“Caawa waxaan idiin sidaa hadiyad taasoo ah warqad aan berri u soo qorayo Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho kana dalban doono inuu 1000 dhalinyaro ah shaqo-abuur u sameeyo, waana bilow oo dhammaan dawlad Goboleedyadana aan sidaas uga sameyn doono” ayuu ka sheegay munaasabadda Ra’iisul Wasaare Khayre.

Haddii Raiisul-wasaaraha ballanqaadkiisa uu ka dhabeeyo, waxa uu badbaado u yahay dhallinyaro badan oo shaqo la’aanta ay ku ka lifi laheyd waxa walba oo tahriibka ugu horreeyo.

Waxa ay sidoo kale tusinaysaa dhallinyarada in dowladdoodu tahay mid u soo jeeda diyaarna u ah sidii ay wax ugu qaban lahayd si walba oo ay tabarteedu u yar tahay.

Soomaaliya waxa ay u baahantahay in ay maalgashato dhallinyarada Soomaaliyeed, maadaama dhallinyaradu ay ka tahay 70% Bulshada Soomaaliyeed, islmarkaana ay yihiin Mustaqbalka Dalka, loona bahan yahay in loo sameeyo shaqo abuur, lagana faa’ideysto Masaxdooda iyo muruqoodaba.

W/Q: Maxamed Cabdiqaadir Ahmed “Socdaal”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale