Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Switzerland

Date:

Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Axmed Aaden Jimcaale Koofi oo howlo shaqo u jooga dalka Switzerland iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Marwo Faadumo ayaa kulan la qaatey Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada arimaha dibadda iyo laanta socdaalka ee Wadankaasi..

Kulanka oo ka dhacey Magaalada Bern ee caasimadda Wadanka Switzerland ayaa ku saabsanaa hagaajinta xariirka labada Dal ee dhinacyada socdaalka iyo baasaboorka Soomaaliya, waxaana halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya wuxuuna ka warbixiyey arrimaha socdaalka iyo baasaboorka ee Soomaaliya , isaga oo ka jawaabey su’aalo dhinaca Switzerland ay ka qabeen baasaboorka Soomaaliya.

Saraakiisha mataleysey Switzerland ayaa balan qaadey in ay si dhab ah oo deg deg ah uga shaqeyn doonaan qodobada laga wada hadlay, islmartkaana waxaa lagu balamay kulamo kale oo lagu sii dhameystirayo waxyaabihii laga wada hadlay.

Kulanka kadib Wafdiga Soomaaliya ayaa booqday xaruunta Baarlamaanka Switzerland, waxayna soo arkeen isla markaana dhageystey taariikhda habka federaalka dalka Switzerland oo dhinacyo badan uga eg kan Soomaaliya ay qaadatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...