Uhuru Kenyatta oo weli ku horeeyo doorashad Kenya

Date:

Madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata ayaa lagu soo waramayaa in weli uu ku horeeyo tirinta codadka la dhiibtay ee doorashadii ka dhacday dalkaasi Kenya ayadoo goobo hor leh codadka la tiriyay ay wararku sheegayaan in Kenyaata uu weli horeeyo.

Dhinaca kale hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay  in hanaanka combuuterada guddigaasi loo dhacay si codadla loogu shubo madaxweyne Uhuru Kenyatta taasi oo ay wax kamajiraan uu ku tilmaamay guddiga doorashadaasi.

Guddiga doorashada ayaa sheegey in natiijooyinka hadda lasoo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.

Mar sii horeysey musharaxa isbahaysiga NASA Raila Odinga ayaa diidey natiijada horudhaca ah ee muujineysa in Uhuru Kenya uu ku horeeyo 54% codadka oo la tiriyey 91% boqolkiiba.

Musharaxa madaxwaynanimada ee mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan sayray oo diiday natiijooyiinka hordhaca ah oo muujinaya in si wayn uu ugu horeeyo, madaxwaayne Uhuru Kenyatta.

Mr Odinga ayaa saxaafadda u sheegay in natiijada ka soo baxaysa doorashada ay tahay”mid been abuur ah”,sababtoo ah buu yiri lama keenin dikumiintiyo cadaynaya natiijada.

Guddiga doorashada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in boqolkiiba 91 Mr Kenyatta uu ku hogaminayo 54.5 boqolkiiba, halka Mr Odinga uu haysto boqolkiiba 44.6.Dad badan ayaa ka cabsi qaba in ay dalka ka dhacaan rabshado la mid ah kuwii ak dhacay 10 sano ka hor.

Kormeerayaasha caalamiga ah ee kusugan dalka Kenya ayaa rajo ka muujinaya in doorashadaasi ay u dhacday qaab cadaalada ah sida uu horey u balanqaaday guddiga doorasho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...