Raโ€™iisul wasaare Khayreโ€ Ansixinta sharciga Isgaarsiinta wuxuu dalka u horseedaya horumar dhinacyo badan leh

Date:

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah anxisintii Golaha Shacabka ay maanta ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta oo muhiim u ah dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dadaal dheer u galay sidii Xeerka Isgaarsiinta loo ansixin lahaa ayaa soo dhoweeyey goโ€™aankii Golaha Shacabka ee maanta, sheegeyna ansixinta Xeerka Isgaarsiinta inay tahay tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa yiri โ€œWaxaan ku faraxsanahay dadaalkii aan u galnay in dhammaan qeybaha bulshada lala tashado, la dhageysto, laga qeybgeliyo sameynta Xeerka Isgaarsiinta in maanta aan aragno faaโ€™iidada wadatashiga bulshada oo noo sahlay in Xeerkii la ansixiyo.โ€

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Xeerka Isgaarsiinta uu dalka u horseedayo horumar dhan walba ah oo shirkadaha Isgaarsiinta ay helayaan maalgashi shisheeye oo kor u qaada adeegyada ay bulshada gaarsiiyaan, tanoo sahleysa in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro shaqooyin heer sare ah. Sidoo kale Xeerkan waxuu keenayaaa in dhaqaalaha dalka uu kobco oo Soomaali fara badan ay helaan fursado ay ku curiyaan ganacsi heer caalami ah.

Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo 158 xildhibaan ay ansixiyeen halka hal xildhibaan uu diiday. Xeerka Isgaarsiinta ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sare si ay u darsaan, uga doodaan ka dibna u ansixiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...