Raโ€™iisul wasaare Khayreโ€ Ansixinta sharciga Isgaarsiinta wuxuu dalka u horseedaya horumar dhinacyo badan leh

Date:

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah anxisintii Golaha Shacabka ay maanta ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta oo muhiim u ah dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dadaal dheer u galay sidii Xeerka Isgaarsiinta loo ansixin lahaa ayaa soo dhoweeyey goโ€™aankii Golaha Shacabka ee maanta, sheegeyna ansixinta Xeerka Isgaarsiinta inay tahay tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa yiri โ€œWaxaan ku faraxsanahay dadaalkii aan u galnay in dhammaan qeybaha bulshada lala tashado, la dhageysto, laga qeybgeliyo sameynta Xeerka Isgaarsiinta in maanta aan aragno faaโ€™iidada wadatashiga bulshada oo noo sahlay in Xeerkii la ansixiyo.โ€

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Xeerka Isgaarsiinta uu dalka u horseedayo horumar dhan walba ah oo shirkadaha Isgaarsiinta ay helayaan maalgashi shisheeye oo kor u qaada adeegyada ay bulshada gaarsiiyaan, tanoo sahleysa in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro shaqooyin heer sare ah. Sidoo kale Xeerkan waxuu keenayaaa in dhaqaalaha dalka uu kobco oo Soomaali fara badan ay helaan fursado ay ku curiyaan ganacsi heer caalami ah.

Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo 158 xildhibaan ay ansixiyeen halka hal xildhibaan uu diiday. Xeerka Isgaarsiinta ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sare si ay u darsaan, uga doodaan ka dibna u ansixiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...