Wasiirka Warfaafinta Eng: Yariisoow oo u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC

Date:

Waxaa xalay lagu qabtay maagalada Muqdisho munaasabad lagu xusayay sanad guuraaddii 11aad ee ka soo wareegtay aas’aaska shirkadda teknoolojiyadda ee SOSTEC.

Munaasabadda lagu xusayay sanad guuradda 11aad ee shirkadda SOSTEC ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wassiirro, Agaasimayaal ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, ganacsato iyo marti sharafkale.

Waxaa ugu horrreyn goobta ka hadlay aasaasaha ahna madaxa shirkadda technoloojiyadda ee SOSTEC, Zahra Abdikariim Ibrahim, oo ka sheekaysay taariikdda iyo sidda ay ku bilaabatay shirkadda SOSTEC.

Maamullaha shirkadda SOSTEC Zahra Abdikariim ayaa sheegtay in 11-sano kaddib ay shirkadda SOSTEC u dabaaldegayso iyadoo ay u shaqeeyaan dhalinyaro dhawr iyo labaatan ah. Waxa ay sheegtay in shirkaddqa SOSTEC ahayd shirkaddii ugu horresay oo keentay dalka bixisana adeegga domain-ka  Soomaaliya ee .SO.

“Baahidii aan u aasaasnay shirkadda SOSTEC markii aan bilabaayy sanadkii 2006 waddanku waxa uu ku jiray xaaladdo adag, horumarka aan ilaa hadda gaarnayna, waxaa ka mid ah inaa maanta arkayno teknoolojiyadda shirkadda SOSTEC sidda ay u balaaratay, adeegyada ay bixisana waxaa ka mid ah , siddda looo sameeyo website-yadda , sidda loo register gareeyo domain-nada kala duwan, sidda loo sameeyo software solutions-ka, Search engine optimization iyo taabinta tooska ah (Live streaming”)., Ayay tiri Zahra Abdikariim, madaxa shirkadda SOSTEC.

Wasiir ku xigeenka Isgaarsiinta iyo Boostada Mudane Ibraahim Isaaq Yarrow, oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeybgalay munaasabaadda ayaa ugu hambalyeeyay shirkadda SOSTEC sanad guuradeeda 11aad.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ay Wasaaradda Boostaha iyo Isgaarsiinta ay dhiirgelinayso horumarka iyo guulaha ay gaartay shirkadda SOSTEC, isagoo intaa ku daray in shirkadda SOSTEEC ay waddanka ku soo kordhisay shaqooyin iyo adeegyo casri ah oo dhanka teknoolojiyadda,taasi oo muhiim u ah qeybaha horumarka bulshadda, sidda ganacsiga iyo waxbarashadda.

Waxaa ugu dambeyn goobta ka hadlay Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Eng.Cabdirahman Cumar Cismaan (Yarriisow) oo ugu hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC sanad guuradadeed 11aad ee ka soo wareegtay aasaaskeeda.

Mudane Eng. Yariisow, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu arko adeeg noocaan ah oo teknoolojiyo casri ah oo waddanka ka jirray muddo 11 sanno ah, waxa uuna booggaadiyay dadaalka iyo hal abuuurka maamulka iyo shaqaalaha shirkada SOSTEC.

Wasiir Eng.Yarriisow ayaa sheegay in shirkadda SOSTEC ay ku bilaabatay fikrad ah 1 qof,1 Qol iyo 1 Computer, taasi oo muujinaysa buu yiri in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo leh hal abuur sareeya, wuxuna intaasi raaciyay in Dowladda ay dhiirgelinayso dadka Soomaaliyeed ee leh hal abuurka nuucaan oo kale ah.

Shirkadda SOSTEC ayaa ah shirkadda ugu wayn Soomaaliya ee bixisa adeegyadda teknoolojiyadda casriga ah, si la mid ah kuwa dunidda horumartay ka jira, waxa ayna xafiisyo ku leedahay qaar ka mid ah Gobolladda dalka, iyadooo hadda qorsheynaysa in ay dhammaan maagaaloyinka waa wayn ee Gobolladda dalka xafiisyo ka furato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...