Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo dhaweysay dhismaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka

Date:

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka labad Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Avv. Xuseen Cabdi Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in guddiga labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dib u eegista dastuurka ay soo dhaweynayaan, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

“Waxan ku faraxsanahay Guddiga ay is doortaan oo ay shaqeeyaan, waxaan joognaa waqtigii shaqada rasmi ah bilaabi lahayn, bilooyinkii la soo dhaafay waxaan wadnay wadatashiyo aan la yeelanaynay Maamul goboleedyada, ururada bulshada rayidka, siyaasiyiinta, marka hadda wixii ka dambeeyay waxaan rabnaa in la gudo galo arrimaha Dastuurka, waxaana rajeyneynaa inaan wada shaqeyn la yeelano guddigan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...