Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Date:

Qaraxan oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dhashey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay goob lagu qaxweeyo oo kutaala magaaladasi.

Wariyaha warbaahinta qaranka Aadan Max’ed Salaad ayaa SONNA u sheegay in  ilaa 17 dhaawac ah inta la xaqiijiyay la dhigay isbitalka magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale jira qasaare dhimasho ah wallow aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wakaalada wararka SONNA u sheegey in hay’adaha amaanka ay ka war heleen  in gaarigaasi laga soo buuxiyay walxaha qarxa balse kooxaha nabad diidka ee Alshabaab ay qarxiyeen markii la ogaaday kadib.

Goobta qarax uu ka dhacay ayaa ah goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada magaalada Kismaayo waxaana xiligaasi ku sugnaa dad badan oo shacab ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...