Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirada Dowladah Ireland iyo Czech Republic

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay safiirada Dowladaha Ireland iyo Czech Republic oo ay u soo magacaabeen Soomaaliya.

Safiiradan cusub oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Aqalka Madaxtooyada Cali Baashi Cabdullaahi Cabdi.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda oo ay ku talaabsanayso Dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...