Wasaaradda gaadiidka oo shaacisay saacadaha shaqo ee garoonka

Date:

Wasiirka wasaaradda gaadiidka dhulka iyo cirka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad, oo maanta  la hadlay, warbaahinta ayaa sheegay in garoonka duyuuradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loo dhameystirey qalabkii sahleya duulimaadyada habeenkii isla markaana garoonka uu shaqeynayo in ka badan 16 saacadood.

Wasiirka ayaa shirkadaha duulimaadka ee ka howlgala dalka u sheegay in habeen iyo maalin si isku mid ah u shaqeyn karaan.

Waaxda saadaasha hawada ee garoonka duyuuradaha ee Muqdisho ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee Tawaradooda ku yaalaan degmooyinka; Wadajir, Waaberi, Hodan, Xamar-weyne, Xamar-Jajab iyo Warta nabadda in ay ku xiraan leerar muujinaya tawaradooda si duyuuradaha habeenkii aysan u dhibaateyn.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ula soo wareegi laheyd maamulka hawada dalka, ra’iisul wasaaraha xukuuumadda Soomaaliya ayaana dhowaan daah furey duulimaadka habeenkii ee garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...