Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in garoonka Muqdisho uu sirasmi ah u shaqeynayo Habeenkii

Date:

Wasiirka  Gaadiidka Cirka iyo Dhulka  Xukuumadda Soomaaliya oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka Wasaaradda iyo Maareeyaha  Hawada Soomaaliya iyo Maareeyaha Guud  ee maamulka iyo nabad galyada garoonka, ayaa maanta sheegey in howlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan uu yahay mid si toos ah  u shaqeynayo  laga bilaabo 12 aroornimo  ilaa iyo  4 saac habeenimo (06:00am—–10:00pm) si bulshadu ay u helaan adeegyo duulimaad xiliyada habeenkii ah.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka  Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulle Salaad oo madasha  ka hadlay, ayaa sheegey  in ahmiyada ugu weyn ay tahay in  garoonka uu waqtiga  habeenkii ay diyaaraduhu ku soo degi karaan islamarkaana ay ka duuli karaan. 

“Ahmiyadda aan maanta halkan u joogno ayaa ah in aan idin la socod siino, sida aad ogtihiin run-wayga  waxaan u sameynay lights, waxyaabihii dhan waan sameeynay, laakiise diyaaradaha caalamiga ah ma ogaan Karin arintaasi, laga bilaabo manta waxaan ogeysiinaynaa shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah in garoonak uu shaqeynayo 6:00 in the morning ilaa 10:00 habeenimo”,Ayuu yiri wasiirka Gaadiidak Cirka iyo Dhulka Dowladda Soomaaliya”.

Dhawaan ayey aheyd marki Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kaheyre uu furay mashruuc dib loogu howlgelinayay duulimaadyada Garoonka Aadan Caddae oo adeegyadiisa Habeenkii ay meesha ka maqnaayeen muddo ka badan 25 sano.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...