Golaha shacabka oo diiday codsiga wasiirka arimaha dastuurka

Date:

Kulanka golaha shacabka jamuuriyadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaa  shir guddoominayay guddoomiyaha golahaas, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) iyadoo ajendaha kulanka uu ahaa weydiin su’aal oraaheed ku abaaran wasiirka arimaha dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo dhowaan mooshan ka keeneen 10 mudane oo ka tirsan golaha shacabka.

Wasiirka arimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa guddoonka golaha shacabka u soo gudbiyay qoraal uu ku cudur daaranayo in uusan maanta hor imaan karin golaha, isagoo codsaday in dib loogu dhigo waqtiga uu hor imaanayo golaha loogana dhigo 11-ka bisha August ee soo socota.

Xildhibaan, C/fitaax Cismaan Daahir, oo kamid ah mudaneyaashii mooshinka ka keenay wasiirka, ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn cudur daarka uu soo gudbiyay uuna doonayo in dib u eegis lagu sameeyay xilka wasiirka.

“Maadaama na loo sheegay waqti aad ugu dambeeyay waqtigii ay aheyd in na loo sheego, kuma qanacsanin, in wasiirku uu u baxay xaalad caafimaad, waxaana qabaa in isagoo maqan laga doodo, maadaama uu ixtiraami waayay u yeeristii baarlamaanka, in xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo,” ayuu yiri C/fitaax.

Sidoo kale, xildhibaan  Samiiro Xasan C/laahi, ayaa sheegtay in golaha looga baahan yahay in ay tixgeliyaan cudur daarka uu soo gudbiyay wasiirka.

“Mudane guddoomiye, maadaama muwaadinka uu xaq u leeyahay in uu caafimaadkiisa xaqiijin karo, waxaa rabaa barlamaanka sharafta leh, maadaama aysan jirin wax deg deg ah oo wadanka qalqal ugu jiro- aan sugno waa mudo gaaban,” ayay sheegtay Samiira.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in xildhibaanada ay leeyihiin go’aanka wasiirka loogu diidayo codsigiisa iyo haddii ay u ogolaanayaan.

Guddoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa markii dambe cod geliyay codsiga wasiirka arimaha dastuurka oo ah in loo  ogolaado in waqtiga loo kordhiny,85-Xildhibaan ayaa diiday codsiga wasiirka, halka 71-Xildhibaan  ay ogolaadeen, waxaana ka aamusay sadex mudane.

Guddoonka golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa arintan u xil saaray gudiga joogtada ah ee golaha u qaabilsan dastuurka in ay go’aan ka soo saaraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...