Faahfaahin Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Gaari walxaha laga soo buuxiyay oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Wadada Makka Almukarama ee Magaalada Muqdisho sida uu Warbaahinta Qaranka u Xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane

Wariye Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oronjo) oo goobta Masiibada ka dhacday gaaray oo lahadlay Saraakiisha Ammaanka ayaa SONNA u sheegay dhimashada 4 qof  halka tirada ku  dhaawacantayna ay ka badanyahay 10 kale .

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo lahadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegau in Gaari Qarax uu ku xiranyahay uu ku Qarxay goob Super Market ah oo ku taala Jidka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxyeello soo gaarsiiyay Gawaaridii xiligaasi marayay meesha dhibaatada ka dhacday iyo dhismayaashii ka agdhwaaba.

Goobtaasi waxaa gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya, waxaana durba bilowday howlgalo ay wadaan ciidamada amaanka ee halkaasi gaaray.

SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...