Saraakiil Ciidan oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xaruunta Baay”

Date:

Saraakiil  ciidan oo ka socda Dowladaha Talyaaniga,Ingiriiska iyo maraeykanka ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Baydhaboee Xaruunta Gobolka Baay waxaana Garoonka Baydhabo kusoo dhaweeyey Saraakiisha Xooga Dalka Soomaliya.

Saraakiishaan ka socday Dowladaha reer Galbeedka ayaa booqosho kala duwan ku tagay Xeryaha Ciidamada Xooga Dalka ku leeyihiin Xaruunta Gobolka Baay waxaana ka mid ah Xaruumaha ay kor meereen Xerada taliska qeybta 60 aad ee Ciidamada Xooga Dalka iyo Xaruumo kale.

Waxaa ayna balan qaadeen inay dhawaan deegaanada Maamulka koofur Galbeed ay ka hirgalin doonaan Xaruumo Ciidan taasooo qeyb ka noqonaysa Xoojinta iyo tayaynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Amaanduulaha  taliska qeybta Lixdanaad ee  Ciidamada Xooga Dalka G/ sare Cismaanciil Khaliif Shire ayaa sheegay inay Saraakiisha ka socday Dalalka Talyaaniga,ingiriiska iyo mareykanka ay kala hadleen inay ka taageeraan dhinacyada tababarada iyo taakulaynta Ciidamada Xooga Dalka gaarahaan kuwa ka howl-gala Gobolada Baay iyo Bakool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...