Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Furay Shirka Isimada Puntland”

Date:

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 July 2017 magaalada Garoowe gaar ahaan Hotel Garand kaga qayb galay shirka Isimada Puntland ee xalinta tabashada beesha Tanade Daarood ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland.

Shirkani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka  Puntland  Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiiradda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtoyada Puntland, Isimadda Puntland, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay muhiimadda shirkani ayaa tilmaamay inuu yahay mid ka turjumaya wax wadda lahaan shaha shacabka Reer Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey in loobaahan yahay in Maamulku sanadkiiba mar isugu yeedho isimada, si ay uga arrin sadaan xaaladda dalka,  fekerna ugu darsadaan masiirka wadaninimo iyo kan horumarineedba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Isimada xasuusiyey  in aasaaskii Puntland iyo  jiritaanka Puntlandba ay u ahaayeen hormuud, isla markaana ay weligood u ahaan doonaan, loona baahan yahay inay gartaan Isimadu musuuliyadda waaraysa ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkoodaba.

” Jiritaanka Puntland iyo aasaaskeediiba idinkaa saldhig u ahaa, idinkaa buldhig u ahaa inay Puntland  midnimadeedii sii sugnaato, is jacaylkii iyo mar xabayntii dadka Puntland ka dhexayseyna sii socdaan weli masuuliyadeedii idinkay idin saaran tahay, qofka siyaasiga ahi waana imaanayaa waana tegayaa, laakiin idinka masuuliyad kale oo aan dhammaanayn ayaa idin saaran ilaa aad ka god-gashaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xasuusiyey shacabka Puntland in maanta horumar lixaadle ka socdo dhammaan degaanada Puntland, kaasi oo salka ku haya kabidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in horumarku leeyahay wanaag iyo farxad, dhanka kalena uu leeyahay cadaw badan oo ka xun horumarkaaga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo cusboonaysiiyo axdigii lagu dhisay Puntland 1998-dii maadaama ay wax walba oo bini aadan samaysto u baahan yahay bid u cusboonaysiin ama dib u eegid, sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimada ay u leeyihiin beesha Tanade Darood jiraanka Puntland ayaa sheegay.

” waxaan rabaa in wax ka iraahdo in beeshani laba siyaaboodba Puntland muhiim ugu tahay, waxay muhiim ugu yihiin difaaca iyo jiritaanka Puntland, midnimadda Puntlandna muhiim ayay u yihiin, waxaa jirta haddaba tabasho, ka jirta matelaadda shacbiga ee Baarlamaanka, tabashadaasi muday soo jirtey, waana soo socotey, waxayna u baahan tahay in wax layska yiraahdo lagana jawaabo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...