Wasiir Xoosh oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Amb Veronique Lorenzo, kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa intii uu kulankooda socday kawada hadlay sidii EU ay u taageeri lahaayeen hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

AVV Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dawladda Soomaaliya, dhanka kalena waxa uu ka codsaday in Wasaaradda lagu garab istaago hawlaha ay dadka Soomaaliyeed u hayso.

“Midowga Yurub waxa ay door wayn ka soo qaateen guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhismaha dawladnimada iyo xoojinta amniga, waanan uga mahadcelinaynaa sida ay noo garab istaageen waqtiyadii adkaa ee ina soo maray, dhinaca kale waxa aan idinka codsaneynaa in aad nagu garab istaagtaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaantan dalka ka bilaabmaya” ayuu yiri Wasiirka.

Safiirka ayaa dhinaceeda aad usoo dhaweysay isla markaana bogaadisay howlaha iyo latashiyada baaxadda leh oo ay Wasaaradda muddooyinkaan waddo, waxayna dhiirigelisay in la sii xoojiyo. Safiiradda waxey ballanqaaday in EU ay si buuxda u taageereyso dib u eegista Dastuurka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiirka sida ay uga go’antahay in ay Wasaaradda taageerto iyo guud ahaanba hay’adaha dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...