Maxkamadda Beladweyne iyo tan racfaanka gobolka oo laga hirgeliyay Hiiraan

Date:

Munasabadan  lagu daahfurayay  Maxkamadaha Racfaanka Gobolka iyo mida Degmada Beledweyne laguna magacaabayay Guddoomiyeyaasha iyo Garsoorayaasha maxkamadahaasi waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Hir-shabeelle, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan iyo mas’uuliyiin kale.

Goobta waxaa  lagu dhaariyay Guddoomiyaasha Maxkamadaha iyo xubnaha kale ee ka howlgali doona laamaha Garsoorka ka shaqayn lahaa, waxaa ka hadlay Guddoomiyaha degmada Beledweyne Aadan Axmed Xeefow.

“Maanta waxaa isleeyahay Maamulkeena aas aaskeeda ayaa dhismay, mas’uuliyiintana waxaan leeyahay in xilkaan si cadaalad ah ugu adeegtaan bulshada aad matashaan, kana shaqeeya horumarinta cadaaladda”  ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow ayaa yiri “Waxaan filayaa in wixii maanta ka dambeyeey dadka gobolka ku dhaqan ay heleen nidaamkan Garsoorka ah, isla markaana ay isku xukumi doonaan”

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta Dowlad Goboleedka  Hirshabelle C/qaadir Cusmaan C/salaam Kheyraad ayaa bogaadiyay mas’uuliyiintan la magacaabay iyo wada shaqeynta shacabka.

“Waxaan leeyahay reer Beledweyne is qabqabsi ma jiro, waxaa aadi jirteen deegaanno kale qofkii aadanaa wixii lagu xukumi lahaa waa diyaar, waxaana idin ku bogaadinayaa in aad la shaqeysaan mas’uuliyiintan la idin magacaabay” ayuu Yiri  Wasiir C/qaadir Cusmaan.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa si rasmi ah u furay  maxakamadaha Degmada Beledweyne iyo midda racfaanka.

“Saacaan wixii ka dambeya Ummadaan waxaa lagu kala saarayaa shareecda islaamka, mar hadii aan Maxkamadihii  furnay, cid aan ku dhaqanka sharcigaasi ugu leexan doono ma jirto, qofkii qof dilaa ama dhacaa” ayuu yiri Madxweynaha Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...