Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyey Marwo Asli Xasan.

Date:

Marwo Asli Xasan Cabaade oo ah gabadhii ugu horeysay  ee noqotay Pilot kana tirsanaan jirtay ciidamada difaaca circa Soomaaliya oo dhawaantan soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa waxaa munaasabad soo dhaweyn ah xalay ugu qabteen Muqdisho ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo masuuliyiinta ururka haweenka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay taariikhda Marwo Asli xasan Cabaade oo xubnihii ka qeyb galay Munaasabadda ay sheegeen iney muujisay in dumarka kaalin ay ku leeyihiin qaranimada iyo difaaca dalka.

Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa tilmaamtay in Duuliye Asli Xasan Cabaade mudadii ay ku maqneyd dalka dibadiisa mar walbo ay ka shaqeeneysay midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maryan Macalin Isxaaq oo kamid ah xubnaha  haweenka ah ee ka qeyb galay munaasabadda soo dhaweynta ah ayaa madasha ka sheegtay in Duuliye Asli oo dalka dib ugu soo laabatay looga baahan yahay iney ka qeyb qaadato sidii loo soo saari lahaa dhalinyaro halkeeda kasii wada howshii adkeyd oo ay soo qabatay.

Duuliye Asli xasan Cabaade oo gaba gabadii munaasabadda kahadashay ayaa sheegtay iney ka qeyb qaadan doonto wacyi galinta bulshada islamarkaana ay u taagantahay ka shaqeynta dhismaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...