Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Warsaxafadeed ay uga hadlayso Maxaabiista Muqdisho la keenay

Date:

Dadaal ballaaran oo ay sameysay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib, ayaa xalay waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degey 114 muwaaddin oo Soomaali ah oo laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelisay Dowladda Federaalka ee Ethiopia iyo Dowlad Degaanka ismaamulka Soomaalidu saaxiibtinnimada ay muujiyeen ee ay kaga dhabeeyeen siideynta maxaabbiista, taas oo ay hore ugu ballanqaadeen Madaxdeenna.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hindise niyad wanaag ah oo lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo midka derisnimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Arrintani waxay ka dambeysay ballanqaadkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay ka shaqeyso in Maxaabbiista Soomaalida ah ee ku xiran dalal dhowr ah ay u howlgasho sidii loo sii deyn lahaa ama ay xabsigooda ugu dhammaysan lahaayeen dalka gudihiisa.

Danjiraha Soomaaliya ee Addis Ababa, Maxamed Cali Nuur, oo maxaabbiistan ka soo qaaday JigJiga ayaa markii ay Muqdisho ka soo degeen wuxuu ku wareejiyay hey’adaha Booliiska iyo Garsoorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...