Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Warsaxafadeed ay uga hadlayso Maxaabiista Muqdisho la keenay

Date:

Dadaal ballaaran oo ay sameysay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib, ayaa xalay waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degey 114 muwaaddin oo Soomaali ah oo laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelisay Dowladda Federaalka ee Ethiopia iyo Dowlad Degaanka ismaamulka Soomaalidu saaxiibtinnimada ay muujiyeen ee ay kaga dhabeeyeen siideynta maxaabbiista, taas oo ay hore ugu ballanqaadeen Madaxdeenna.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hindise niyad wanaag ah oo lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo midka derisnimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Arrintani waxay ka dambeysay ballanqaadkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay ka shaqeyso in Maxaabbiista Soomaalida ah ee ku xiran dalal dhowr ah ay u howlgasho sidii loo sii deyn lahaa ama ay xabsigooda ugu dhammaysan lahaayeen dalka gudihiisa.

Danjiraha Soomaaliya ee Addis Ababa, Maxamed Cali Nuur, oo maxaabbiistan ka soo qaaday JigJiga ayaa markii ay Muqdisho ka soo degeen wuxuu ku wareejiyay hey’adaha Booliiska iyo Garsoorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...