Erdogan oo Israel ku eedeeyey dhibaateynta shacabka falastiin

Date:

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca dhex maray ciidamada nabadgelyada iyo Falastiiniyta u mudaharaadayey Xaramka barakaysan ee Qudus.

Saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay shaqaaqadaa oo ka dhalatay amar ay Israel kaga horjoogsatay ragga da’doodu ka yartahay konton jirka in ay ku tukadaan salaaddii Jimcaha barxadda masaajidka ee Muslimiintu u yaqaanaan Xaram Al-Shariif, Yuhuuduna tidhaa Temple Mount.

Israel waxay sheegtay in talaabadaa xaga nabadgelyada ah ee ay qaaday lagama maarmaan noqotay ka dib markii laba askari oo booliska Israel ka tirsan lagu dilay goobtaa.

Falastiiniyiinta ayaa se aad u diiday awaamiirtan cusub ee ay Israel goobtaa ku soo rogtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....