Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta: “Dila oo aasa Al-Shabaab-ka mayalka adag”

Date:

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iclaamiyey hawl-gal balaaran oo dhanka amniga ah kaasi oo lagu cirib tirayo Al-Shabaab, wuxuuna amray in kooxdaasi mayalka adag la dilo dabeedna la aaso.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqistiisa timid kaddib isagoo ka hadlayey mas’uul dawladiisa ah inta la afduubtay, la dhaawacay oo kooxda argagixisa Shabaab ay u falkaasi u gaysteen.

Ciidanka dawladda Kenya ayaa soo badbaadiyey Ms. Marriam kadib markii ay afduubteen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ka qaatay gaariga ay wadatay, waxa ayna dileen mid ka mid ilaaladeeda gaarka ah, darawalkeeda iyo nin kale oo ay ilmo adeer yihiin.

Labo oo kale ayaa weerarkaasi lagu dilay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu wehliyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa sheegay in Shabaabka qaska ka wada gudaha dalka Kenya la soo qab-qaban doono.

Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya, Kan Xeebta, waxaana dhacdooyinkii uga xumaa ee uga dambeeyey ay ka dhaceen deegaanka Lamu.

Nation ayaa qortay warkan

Turjumey: Maxamed Cisman “Black Cobra”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...