Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maanta oo jimco ah la bilaabayo sameynta Internet-kii Fibre Optic ee todobaadyo ka hor ka goโay gobolada Koofureed ee Soomaaliya, kaddib markii Markabkii sameyn lahaa uu soo gaaray Dekeda Muqdisho.
Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in saaka 8-da subaxnimo la bilaabi doono qiimeynta halkii uu ka goโay Internet-ka ee Badda gunteeda.
Waxaa uu sheegay in markabka sameyn lahaa oo maalmo ka hor ka soo dhaqaaqay dalka Cummaan uu maalmaha soo socda sameyn doono Internet-ka
โMarkabkii sameyn lahaa Dekeda ayuu ku xiran yahay, saakay ayuu aadayaa, halkii uu ka goโay xargihii Internet-ka, waxaana uu bilaabi doonaa qiimeyn, kaddib ayuu guda galayaa sameyntii Internet-kaโayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ay dowladda Soomaaliya ka taxadari doonto in xaaladan oo kale aanay dhicin, isla markaana ay bilaabi doonaan qorshayaal lagu ballaarinayo adeegyada Internet-ka ee dalka.
Shirkadda Dalkom oo keentay adeeggan Internet-ka ee Fibre Optic oo la soo marsiiyay badda gunteeda hoose ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay rajeyneyso inuu dib u soo laabto Internet-ka.

